Fanaanada Nimco Dareen oo aaad muddooyinkan kaga barateen heesaha aadka u macaan ayaa waxey kusoo tuurtay haddana hees aad u daggan oo lagu magacaabo Xasilooni.
Nimco Dareen oo loo yaqaano boqoradda Dhaantada ayaa markaan dadweynaha ugu raaxeysay hees aad u xasilan oo xasilooni loogu magacdaray , Heestaas oo ah mid slow ah aadna loogu nasan karo. Mana jiro hees sidaas u daggan , fanaan mudooyinkan soo saaray oo aan aheyd Nimca Dareen.
Waxaaa muuqaalka heestan oo ah mid ka badan 9 daqiiqo soo saaray Somali VIP Studio oo waayahan sameynayay heesaha aadka u casriyeysan.
Waxeey bahda Jilaa.com u hambelyeynayaan Nimco Dareen oo ah fanaanad marwalba xusto dadaalka webkan Jilaa ee uu ku taageerayo fanka Soomaalida.