688 HomeCategoriesEventsPremium VideosForums

Fanaanada codka macaan ee Soomaaliyeed ee Nimco Dareen ayaa sameysay hees video clip cusub oo ay ku amaaneyso deegaanka Dhegaxbuur oo ah halka ay kasoo jeeddo asal ahaan, waxaana video gaasi ka muuqato sida diiran ee Nimco loogu soo dhaweeyay halkaasi oo ay hore u booqatay.

Nimco Dareen oo ah fanaanad aad u jecel dhulka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa ka muuqata filinkaasi sida loogu boqray halkaasi iyadoo dad kumanan gaarayo ay fagaare uga heeseysa ayayna Video ga cusub kusoo dartay.

Waxaa muuqata sida weyn ee Nimco ay taageera ugu heysato halkaasi iyadoo waliba dhaanto lagu soo dhaweeyay laguna galbiyay gawaari qurxoon, balse Nimco abaalka dagaankaasi way gudday oo waxey u qaaday hees aad u macaan.

Nimca Dareen oo dhawaan ka badbaaday fal lagu dhibaateyn rabay kadib markii lagu soo weeraray iyadoo masrax ka heeseysa magaalada Nairobi ayaa markaan waxey tustay cadawgeeda, inay jiraan dad aad u jecel iyada oo taageera , wax walbana u hurayo.

Comments
Title
Comments
Read terms and condition