ARTIST

Samatar

52 songs

Xasan wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalad Diinsoor ee gobolkaBay. Sanadihii Todobaatanaadka ayaa ahaa Biloowgii Faneed ee soo Shaac bixidda Xidiga Xassan Aden iyo Barnaamijkii Ahamiyada weyn u lahaa Horumarka Fanka Somaaliyeed (Heesha Hirgalay) ee Golaha Murtidda iyo Madadaaladda lagagu Qaban jiray iyo Heestii Caan ka noqotay ee Isha Baydhabo iyo Codkii Wiilka Dhalinta Yar ee Xassan Aden Samamtar, Sacab iyo sawaxankii ayaa la deeyn waayeey Kaalinta Koowaad ayuu Galay Waxaana halkaas ka bilaabmay Wadadda Dheer ee Fanka ee Xidiga Weyn Xassan Aden.
Xidig Walba waxaa ka dameeya oo soo caan bixiya Abwaano Sugaanta ku Xeel dheer oo lagau Xusuusto Xidiga Maalmihii Horre ee Fanaan-Samatar Waxaa Door weyn ka Soo Qaatay Abwaanaddan:- Sahal Macalin Ciise, Cabdi Cali Weyd,Max,d Ciise Ilka Casse, Abwaanka Weyn Hadraawi, Barre-Maxamed Warsame Heesihii ugu Horeeyeey ee Xassan Adan waxaa ka mid ahaa:-
1-Isha Baydhabo.
2-Siraad.
3-Qarad.
4-Baladweyne.
5-Maalmaha.
6-Haakaba Banaanshee.
7-Indha Kuul, iyo Heeso kaleba, Balse Akhriste eeg dhammaan oo Heerka Koowaad ama Xulka Heesaha Somaaliyeed, waana kuwo ilaa hadda la xiseeyo.
Xidiga Fanaanka-Samatar ayaa Cirka isku Shareeray oo Iftiin aan kala go\'een bixiyeey Kadib markii loo Soo Bedelay Dhanka Waqooyi iyo Magaaladda Hooyga Fanka Hargeeysa oo uu kula kulmay Saddex Abwaan oo Caan ah:- Al-Marxuum,Max,d Cali Kaariye, Abwaan,Xassan
C/Laahi Geni iyo Al-Marxuum-Cusmaan Askari oo Riwaayado iyo Heeso Xul ah ku boobay Fanaanka iyo Codkii Fanaanadaha Caanka ah Al-Marxuuma-Xaliimo Khaliif Magool iyo Sahra Axmed Jaamac, Seeynab Xaaji Cali Baxsan, Saado Cali Warsamme, Khadra Daahir Cige, Shankaroon Axmed ayaa ka mid ah Fanaanadda Codka Macaan Xassan La Heesay,iyo Amina C/Laahi iyo Al-Marxuuma-Shamso Cumar Axmed.
1-Sanaag.Saxan Saxo.
2-Caashaqa ha Baayicin.
3-Waraf iyo Shimbiro.
4-Kala Hadhi Meeynee i Hobsoo.
5-Reerkiina Hodonka.
6-Duntuna iigu Kaa Xidhan.
7-Guulle ma Joogaa.
8-Hadha Digeed.
9-Yaa u Sheega.
10-Doqoneey Dabkaa Ba.
11-Dhoof Caashaq.
12-Soo Hor Caashaqa.
13-Markaan Da,da Jiray 15.
14-Balanbaalis.
15-Mayoo Mana Sugaayee.
16-Duceeyse Wiilkayoow, iyo kuwo kalle oo Fara Badan oo aad iyo aad u Wanaagsan.
Xidig Fanaan Xassan Aden Waxaa Heesaha iyo Riwaayadaha Faraha badanaa u Alifatay Abwaano Badan oo Caan ah Sidda:-
1-Max,d Ibrahim Warsamme Hadraawi.
2-Al-Marxuum, Max,d Cali Kaariye.
3-Xassan C/Laahi Geni.
4-Al-Marxuum-Cusmaan Askai.
5-Cabdi Cali Weyd.
6-Maxamuud Ciise Ilka Casse.
7-Maxamuud C/Laahi Sangub.
8-Al-Marxuum-Max,ud Tukaale Cusmaan.
9-Sugaal Cabdulle.
10-Al-Marxuum-Max,d Nuur Shareeco.
11-Barre Max,d Fiidoow.
12-Yuusuf Dangeli.
13-Xussen Aw Faarax.
14-Sahal Macalin Ciise.
15-Maxamed Warsamme iyo kuwo kaleba.
Xassan Aden Samatar ayaa ah Fanaan Heesaa ah iyo Mulaxin dhanka Muusikadda caan ku ah oo Heesihiisa intooda badan Muusikadda waxaa iska leh Xassan Aden wuxuuna ka mid yahay Mulaxiniinta Caan ka ah Sidda:- Sabriye, Saalax Qaasim, Muuse Max,d, Meeysara.
Goobe, Jiim Sheekh Muumin, C/Risaaq Baadil,Cali Naaji, Max,d Suleeymaan, Salaad Derbi iyo Muslimo Qaasim, Xassan Adan ayaa ah Fanaan Asluub Wacan leh, dad la dhaqan leh oo bahda Fanka Dhexdooda caan ka ah, waa Bulshaani Waji furan leh, niyad wanaagsan leh oo Kaftan badan islmarkaana caadi ah oo ka fog kana madax banaan isla weynidda iyo is qaad-qaadka, Xassan Xiligan Wuxuu ku Nool yahay Dalka Canadda oo uu intii Muddo ah Degaanaa Dadka Canadana waa ka Caan Xassan waa Xubun Bulshadda ka mid ah oo ka Fog Dhibaatooyinka iyo Cuqdadaha Dadka Somaaliyeed kala Fogeeyeey.
Xassan Aden Samatar oo Tartanka Ciyaraha Goboladda Dalka Taageere u Ahaan Jiray Xulka Gobolka Bay, ayaa Asal Ahaan ka Soo Jeeda Goboladda Dhex ee Somaaliyeed, laakiin ku Barbaaray Gobolka Bay Magaaladda Baydhabo oo uu Xassan si Weyn u Jacel yahay,waana Hooygii uu Joogi Jiray Xiligii Yarantaa iyo Halkii uu Iskuulka ka Bilaabay Baydhabo,Xassan Salaan Wacan iyo Xurmo Qaali ah iyo Bogaadin weyn iga Guddoon Ummadda Somaaliyeedna Qadarin iyo Tixgelin Gaar ah ayeey kuu hayeen.

Albums

Songs

Appears on

Privacy | Terms

© 2025 Nomad Lyrics

built with by Nexa Interactives